Farmaajo oo aan ka qeyb galeyn sanadkaan kulan Caalami ah oo ay qabato dowladda Itoobiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sanad kasta qabato shir lagu magacaabo High-Level Forum on Security in Africa kaasoo inta badan looga hadlo arrimaha amaanka iyo hormarka qaaradda Africa.

Shirkaas waxaa kasoo qeybgalo madax kala duwan oo kamid ah kuwa Africa, waxaana la yaab noqotay inuusan sanadkaan ka qeyb geli doonin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaan oo ah midkii lixaad oo ay soo qaban qaabiso dowladda Itoobiya ayaa waxaa hore uga qeyb geli jiray madaxdii hore ee Soomaaliya oo uu ugu dambeeyey madaxweynihii waqtigiisa dhammaaday Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana xusid mudan in sanadkaan uusan ka qeyb galeyn Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Soomaaliya ayaa dowlad ahaan sanadkan ka qeybgeli doonin shirka iyadoo madaxweynaha Farmaajo ka baaqsaday, isla markaana aanay jirin madax kale oo ka socota xukuumadda Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgaleysa.

Shirkaan kaliya waxaa ka qeybgalayo Madaxweynaha Putland Cabdiweli Cali Gaas oo isaga matalayo Maamul Goboleedkiisa, waxaana la filayaa inuu Berri khubad kasoo jeedin doono taasoo lagu tilmaamay inay tahay mid cilmiyeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com