Xog-Warran: Farmaajo oo qalinka ku duugay heshiis uu Xasan Shiikh horey u diiday!

Muqdisho (Caasimadda Online) –Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog muujineyso inuu Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo qalinka ku duugay heshiis uu horey u diiday Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Heshiiskaan ayaa waxaa dhawr jeer loo soo bandhigay Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeyso inuu Xasan diido heshiiskaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qalinku ku duugay qorshe loo dajiyey dib u dhismada ciidamada Soomaaliya, kaasoo ay isku afgarteen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda oo dhawan kulan Xasaasi ah ku qaatay Muqdisho.

Heshiiska uu saxiixay ayaa lagu magacabaay “National Security Architecture ” kaasoo ah qorshe la doonayo in lagu dhiso 18,000 (Toban iyo sideed kun) oo ciidan oo tiro ahaan ay qeybsan doonaan Maamul Goboleedyada, wuxuuna maamul kasta qaadan doonaa ilaa 3000 oo askari.

Waxyaabaha aad la isugu khilaafay ayaa waxaa kamid ahaa sida ciidamadan loo dhisayo, cidda amarka yeelaneyso iyo halka ay xerooyinkoodu noqonayaan, waxayna ugu dambeyn beesha Caalamka ku guuleystay inay Farmaajo ka dhaadhacsiiso inay awood buuxda ku yeeshaan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana midaas lagu tilmaamay inay aheyd sababtii uu Xasan ku diidayey heshiiskaas.

Sidoo kale waxaa heshiiska ku jiro in ciidamadii hore ee Soomaaliya aysan ka mid noqon doonin qorshaha lagu dhisayo ciidamada, midaas oo ay qubarada ciidamada ku tilmaameyn inay tahay arrin aan macquul aheyn oo aan wax natiijo ah laga gaari doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com