Qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka xaruntii hore ee dhul-bixinta oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro.

Gaariga oo ahaa Toyota Land Cruiser oo  ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi) ayaa ku qarxay halkaasi, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, isaga oo isku dayayay inuu xoog ku dhaafo goobtaasi.

Sidoo kale marka uu qarxay baabuurka ayaa firirkiisa waxa uu gaaray xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah, taasi oo keentay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan gudaha magaalada Muqdisho ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale goor dambe goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay meesha uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa sidoo kale hakad galay isku socodka waddada xiriirisa Isgoyska Ifka Xalane iyo Cali Kamiin, halkaas oo ay isaga kala gooshaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada ah.

Ma jiro wax faah-faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in saaka laga hortegay.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay qaarkood sheegteen xubnaha kooxda Al-Shabaab.