26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Qarax miino oo lagu dilay mas’uul sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqii Degmada Afgooye ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maanta lagu dilay qarax miino, xilli uu ku socdaalaayay wadada dheer ee kulmisa Magaalada Muqdisho iyo Degmadaasi Afgooye.

Gaari NOAH ahaa oo uu la socday marxuumka, ayaa waxaa lala beegsaday qarax jug xoog leh sameeyay, oo la tilmaamay in uu ahaa mid horey loogu sii diyaariyay wadada hareeraheeda.

Wararka waxay intaa ku darayaan in qaraxa ka dib aaggaasi laga maqlay rasaas aan loo meel deyin, oo ay rideen Ciidamadii Ilaalada ee Duqii Degmada Afgooye.

Wararka, ayaa sheegaaya in Cali Jamiil meydkiisii loo qaaday Degmada Afgooye, iyadoo ay Degmadaasi ku nool yihiin eheladiisa. Waxaana la qorsheynayaa in halkaasi lagu aaso.

Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa wuxuu xaqiijiyay geerida Cali Jamiil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News