31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Daawo Sawirrada: Kulan xasaasi ah oo dhex maray CC & Safiirka Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha DF Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Mohamed Al-Cutmani.

Ra’isul wasaare Cumar iyo Danjiraha ayaa waxa ay kawada hadleen muhiimada iskaashiga labada Dowladood iyo Horumarada ka socda Magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaare Sharmaarke oo hadalka ku hormaray ayaa waxa uu yiri “Xiriir qoto dheer ayaa ka dhexeeyay Somalia iyo Imaaraadka ujeedka kulankeenu waxa uu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka labada dal, iskaashiga iyo in imaaraadka ay garab siyaan Dowlada federaalka Somalia”

”Dowlada Imaaraadka waxey naga taageereysaa xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka Somalia”

Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Somalia oo dhankiisa ka hadlaayay kulanka ayaa waxa uu yiri “Waxaan diyaar u nahay isgarab taaga Somalia, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska.”

Dhanka kale, Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo idlaaday jawi degan, iyadoona kulankaasi uu kusoo beegmaayo xili Cumar Cabdirashiid uu kulamo kala duwan la qaadanaayay Safiirada Dowladaha caalamka u fadhiya Somalia.

1 2 3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News