Qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed oo ku socdaalayey wadadaasi oo isku xirto isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo ahaa wade mooto Bajaaj ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacmeen 5 askari oo ka mid ah ciidamada qaraxa lala eegtay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa caasimada ka dhacayey qaraxyo nooca miinada ah, iyadoo midkii ugu dambeeyey uu habeen hore ka dhacay wadada 21 October ee degmada Waabari, kaas oo lala eegtay gaariga Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali.