IRAN oo xariga TRUMP ku wargalisay hay’adda Interpol

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa xariga madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump mar kale ku wargelisay hay’adda Booliska caalamiga ah ee Interpol.

Afhayeenka garsoorka xukuumadda Iran Gholamhossein Esmaili ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay hay’adda Interpol ka codsatay in la xiro Donald Trump iyo saraakiil kale oo mareykan ah.

Afhayeenka wuxuu sheegay in xubnahaas ay u aqoonsadeen iney ka dambeeyeen dilkii Janaraalkii muhiimka u ahaa dowladda Iran ee Qassem Suleimani kaas oo sanadkii hore lagu dilay dalka Ciraaq.

3-dii January sanadkii 2020 ayey aheyd markii diyaarado aan duuliye laheyn ay garoonka diyaaradaha magaalada Baqdad ku duqeeyeen janaraalkii ugu awoodda badnaa dalka Iran.

Qassem wuxuu sidoo kale hogaan u ahaa siyaasadda sirdoonka dibadda ee dalka Iran, wuxuuna ahaa xubin firfircoon oo ay ku tiirsaneyd xukuumadda Islaamiga ah ee IRAN.

Dilka loo geysaty Janaraalka muhiimka u ahaa xukunka dowladda Islaamiga ah ee Iran waxaa loo arkay mid aan sharci aheyn ama aan sabab laheyn, waana tan keentay iney tallaabadaan qaadaan.

Bartamahii sanadkii hore ayey aheyd markii xukuumadda Iran ay soo saareen warqad lagu xirayo saraakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga dalka Mareykanka iyo xulufada aqalka cad, balse wali wax ka suuragalay ma jiraan.

Muddo hal sano ah ayaa laga joogaa dilka Janaraalka, waxaana jiray in Iran ay ballan qaaday iney aargudan doonto, iyadoo ay taasi jirto ayey markii labaad codsadeen in la xiro madaxweynaha talada kasii dagaya ee dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa la filayaa inuu bishaan January baneeyo xafiiska aqalka cad, waxaana kursiga ku fariisan doona Joe Biden oo doorashadii sanadkii dhamaaday la qabtay kaga guuleystay, waxaana la leeyahay waxaa jirta fursad sahli karta in Iran ay eedeymahaas ku ciqaabaan madaxweynaha sii socda.