YUUSUF GARAAD oo soo bandhigay intuu ka yaqaan weriye Axmed Cabdinuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ay mudo dheer soo wada shaqeeyeen Weriye Axmed Cabdinuur oo galabta ku geeriyooday dalka Ingiriiska ayaa si kooban uga warbixiyey taariikhdiisa.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga naxay geerida Axmed Cabdi Nuur oo muddo dheer ay ka soo wada shaqeeyeen BBC Soomaali iyo warbaahinta Qaranka.

“Axmed wuxuu ahaa weriye caan ku ah warbaahinta Qaranka, Radio Muqdisho oo uu wararka iyo Sportiga caan ku ahaa iyo Teleifishinka Qaranka oo uu midkood ahaa labadii weriye ee ugu horreeyay ee u kaltami jiray akhrinta wararka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf Garaad.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Markii iigu horreysay ee aan barnaamij idaacad ka akhriyo wuxuu ahaa labadii weriye ee aan la akhriyay midkood. Mar ayuu noqday weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya ka hor dagaallada. Waxay ahayd markii uu saaxiibkii Cawke oo ahaa weriyaha Madaxweynuhu uu shil baabuur galay oo gacan ka jabay.”

“Mar kale wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Wararka iyo ka dib, Madaxa Radio Muqdisho. Wuxuu noqday weriye BBC uga soo warrama Muqdisho qaar ka mid ah xilliyadii ay ugu colaadda badnayd, ka dibna xarunta BBC Bush House iyo Broadcasting House ee London ayuu sannado badan ka shaqeeyay,” ayuu qormadiisa ku yiri Yuusuf Garaad oo 14-sano madaxa ugu sareeya ka soo ahaa BBC Somali.

Kumuu ahaa Axmed Cabdinuur?

Allaha u naxariistee Axmed Cabdinuur wuxuu magaalada Ceelbuur ku dhashay sanadkii 1955-kii.

Waxa uu wax ku bartay magaalada Muqdisho oo uu uga baxay dugsigii Macallin Jaamac, kadibna wuxuu dhigtay Jaamacaddii Lafoole.

Sanadkii 1982-kii ayuu ku biiray Radio Muqdisho, kadibna wuxuu ka mid noqday raggii ugu horreeyay ee lagu billaabay telefishinka Qaranka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray Iddaacada BBC, waxuuna mar ka sheekeyey waxyaabihii uu la kulmay intii uu Muqdisho uga waramayey BBC.

“Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah,” ayuu yiri Axmed Cabdinuur mar uu ka sheekeynayay taariikhdiisii shaqo ee BBC-da, xilligii uu ka fariistay shaqada sanadkii 2019-kii.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashooda ayaa hanjabaad ii soo diri jiray sida ‘waan ku dilaynaa’ marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay ‘horta maxaad warka u baraxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid’ Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xiriir dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood.”