Rooble iyo CC Shakuur oo war kasoo saaray kulankii ay caawa yeesheen + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraallo ka soo kala baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa faahfaafin looga bixiyey kulan uu Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa mid uu dalbaday Ra’iisul wasaaruhu ayaa ka dhacay xafiiskiisa, waxaana diiradda lagu saaray khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka laga soo saaray kulankaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu kulankaas wakiil uga ahaa golaha uu ka tirsan yahay ee Midowga Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna qoraal uu ka soo saaray kulanka uu la yeeshay Ra’iisul wasaare Rooble, waxa uu sheegay inay uga wadahadleen khilaafka doorashada, isla markaana uu balan qaadyo u sameeyey.

“Waxaan maanta xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ah, mudane Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda. Waxaan kaloo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada iyo laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xubin ka ah golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo aad u diidan hanaanka ay dowladda federaalku u hir-gelineyso arrimaha doorashada dalka, waxaana la sheegay in kulankaan ay iyagu u soo wakiisheen.