Xogta rasmiga ee guddiga doorashada heer gobol ee loo diray Koonfur Galbeeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada ee heer dowlad gobaleed islamarkaana ka socda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa Caasimada Online u faah faahiyay sababta rasmiga ah ee loo geeyay Baydhaba.

Xubnaha guddigaan ayaa sheegay in ka hor inta aysan ka bixin magaalada Muqdisho ay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen islamarkaana uu u sheegay in ay ku laabtaan Baydhaba, balse aysan qaban wax shaqo ah ilaa laga heshiiyo doorashada Soomaaliya.

Dadka aan la hadalnay ee guddigaan ka tirsan ayaa sheegay in lagu wargeliyay in ay sii dagaan Baydhabo islamarkaana ay diyaar sii noqdaan inta heshiis laga gaarayo doorashada Soomaaliya si markaas ay durba u shaqa galaan.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ee aan la hadalnay ayaa loo sheegay in ujeedka loo diraayo uu yahay in lagu cabsi geliyo Musharaxiinta Mucaaradka iyo in la eego tallaabada ay qaadayaan haddii guddiyada dib loogu celiyo degaanadooda si doorashada loo qabto.

Arrintaan ayaa u muuqata in guddiyada kale ee Maamul Gobaleedyada Galmdudug iyo HirShabeelle ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda si ay usii dagaan islamarkaana loo tijaabiyo talaabada ay qaadi karaan Mucaaradka oo aad u diidan doorashada Soomaaliya.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxweyne goboleedka ugu daacadsan ee saddexda madaxweyne goboleed ee ka amar qaata Villa Somalia, islamarkaana aanu marnaba kusoo hadal celin.