Sawirro: Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Soomaaliya oo isku sharxay madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali ibraahim (Baqdaadi), ayaa isku soo sharaxay xilka madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Baqdaadi waa waayo arag siyaasadeed oo soo qabtay xilal kala duwan, isagoo kasoo billaabay agaasimenimo kadibna ka mid ahaa baarlamaanka muddo 12 sano ah, halkaasi oo uu xubin ka ahaa guddiyo kala duwan.

Wuxuu sidoo kale kasoo mid noqday Golaha Wasiirada, isaga oo soo noqday wasiirka awqaafta, wasiiru dowlaha cadaaladda, wasiiru dowlaha madaxtooyada, wasiir ku-xigeenka waxbarashada.

Baqdaadi ayaa ah aqoonyahan haysta shahaadada Master-ka ee takhasuska Fikirka Islaamka.

Baqdaadi ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu wax kasoo dhisay xilligii doorashadiisa, wuxuuna kadib u noqday garab isaga gacan ka gaystay inuu ka gudbiyo marxalado badan oo xasaas ahaa.

Xaaladaha siyaasadeed ayaa Baqdaadi uu gacan ka gaystay inuu madaxweynaha ka caawiyo qaboojintooda ayaa waxaa ka mid ah xasaradihii ka dhashay Qalbi Dhagax, iyo is-casilaadii Jawaari.

Wuxuu sidoo kale door ka cayaaray dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa is-sharaxidda wasiirku u arko inay culays wayn ku tahay madaxwaynaha, iyo inuu lumiyey garab muhiim ah oo saamayn wayn leh.

Barnaamij siyaasadeedkiisa waxa uu ku soo koobay sideed qeybood oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kale ah: Xasilooni siyaasadeed, xasilooni amni, sareynta sharciga, harumarinta nidaamka cadaaladda ee dalka, la-dagaalanka musuq-maasuqa, horumarinta adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha dalka, cilmi-baaris iyo tiknoolojiyad horumarsan.

Musharax Baqdaadi waxaa lagu tilmaamaa shakhsi adeegsada diblumaasiyad, siyaasiyiintana ku dhex leh saamayn iyo ixtiraam, kana soo jeeda qoys taariikh ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed oo ahlu diin ah, kana qeyb qaatay faafinta diinta.