Qarax xoogan oo ka dhacay Boosaaso iyo dhimasho iyo dhaawac badan oo jira

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qaraxa ayaa lala beegsaday meherad nooca loo yaqaano Merfish ay fariistan dadka qayila, taasi oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay fadhiyeen dad isugu jira shacab iyo askar.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa ku geeriyooday qaraxaas saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Mas’uuliyada qaraxa ayaa durtadiiba waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa dalka.

Boosaaso ayaa amnigeeda uu sii xumaanayay, tan iyo markii ay soo bilaabay xiisadii ka dhaxeysay xukuumadda Saciid Deni iyo saraakiisha sar-sare ee hay’adda PSF-ta ee maamulkaas.

17-ka bishii hore ayay aheyd markii labo qarax lagu weeraray laba shirkadood oo ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Weerarka koowaad oo ahaa bam ayaa xiligaas waxaa lagu tuuray xarunta shirkad lagu magcaabo Al-Najax, waxaana ku dhaawacmay hal ruux, halka qaraxa labaad lagu weeraray xarun ay leedahay shirkad kale oo la yiraahdo Muwaafaq.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga magaaladaas oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada.