Shan sano kadib arrinta ugu weyn ‘ee lagu xusuusto’ madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Maxamed Caalim oo kamid ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya oo ka hadlay 5-ta sano ee u buuxsantay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, ayaa sheegay in Farmaajo uu ku tuntay dowladnimadii Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in arrinta u weyn ee lagu xasuusan doono intii uu joogay Villa Somalia ay tahay dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF, loona dhiibay dowladda Itoobiya.

“Shan sano ee uu joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kiiskii ugu xumaa wuxuu ahaa dhiibistii muwaadin Qalbi-Dhagax, wuxuuna gacantiisa ku burburiyay siyaasadii arrimaha dibedda, golihii garsoorka, ururadii bulshada iyo dowladnimadii,” ayuu yiri.

Tallabada uu Farmaajo xiligaas ku dhiibay Qalbi Dhagax waxaa dhawaan khalad ku tilmaamay Golaha Wasiirada uu hogaamiyo Rooble, ayaga oo meesha ka saarayna in ururkii ONLF ee uu ka tirsanaa loo aqoonsado argagixiso.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu ku fashilmay wada-hadaladii Somaliland ee Soomaaliya, uuna qaaday tallaabooyin sii fogeynaya maamulkaas.

“Waqti la yiraahdo shan sano iyo afar sano kale ayaa la dooranaya (Farmaajo) meesha kama banaana. Shantaas sano ee aheyd 8-dii Febraayo ee 2017-ka farxxadii iyo soo dhaweyntii la soo dhaweeyay illa maanta waxaa dhex taala dadka Soomaaliyeed colaad iyo dhaqaale xumo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in rabitaanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ay dalka galiyeen xaalado halis ah, isaga oo ku guul-darreystay dhammaan nidaamkii dowladnimada.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa wuxuu dhamaaday sanad ka hor, muddadaas Soomaaliya ma aheyn dal xasilan, saddex jeer waxaa uu ka kacay heshiisyo doorasho, labo jeer ayuu inqilaab isku dayey, mar uu 2 sano ku darsaday iyo mar uu ra’iisul wasaare Rooble u diiday xafiiska.