27.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Qaraxii afaraad oo maanta ka dhacay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyootay Qarax Miino oo maanta ka dhacay Jidka Warshaddaha ee Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la geliyay goob ay fadhiistaan ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska oo ku taalla Warshaddaha gaar ahaan Eveco.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 2 Askari oo Ciidanka dowladda ka tirsan ay ku geeriyoodeen Qaraxaasi.

Waa Qaraxii Saddexaad ee maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News