Qaraxii Muqdisho ma mid siyaasadeed ayuu ahaa? – Arrin shaki weyn abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo kordhaya shakiga ku saabsan in qaraxii maanta Muqdisho ka dhacay uu ahaa mid siyaasadeed, kadib markii hadallo kasoo yeeray mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ay dhaliyeen su’aalo badan.

Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay qaraxa ayaa dalbaday baaritaan kadib markii uu si yaab leh u fasiray Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.

Fiqi ayaa sheegya in qaraxa dhacay ciddii lagu beegsaday ay caddahay, ayna la yaab tahay in uu magac iyo eedeyn ka raadiyo guddoomiye Cali Yare, oo isagu dhawaan si adag uga horyimid banaanbax la qorsheynayo in maalinta berri ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

“Waxaa soo baxdey oo lala yaaban yahay nin raba inuu magac ka raadiyo qaraxa meeshii la rabay ka hortaggiisa inuu ka shaqeeyo. Waxaa ku xigta inuu yiraahdo mucaaradka ayaa i soo weeraray oo uu halkaas naf ka raadiyo, ciddii ka shakisanayd waxa ay ka shaqeynayaan nimankaas halkaas haka dheehdaan!,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in baaritaan sax ah lagu sameeyo qaraxa dhacay iyo waqtiga lagu soo aadiyey intaba, maadama uu sheegay in uu yahay wax shaki weyn keeni kara.

“Shabaab iyo argagixisadu in ay cabiraan aragtidooda qaraxyada ah gobolka Banaadir maamulkiisa iyo hey’adihiisu amnigu waxba kama qaban karaan sida muuqata, balse waxay ku mashquulsan yihiin ka hortagga banaanbaxa. Wa ayaandarro weyn.”

“Laba Shabaab in ay wada shaqeeyaanna marqaatigeedii waa kaas.! Allaha u naxariisto dadkii ku shahiiiday falkaas argagixiso iyo caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay.”

Ugu dadmbeyntiina waxa uu maamulka amniga gobolka Banaadir ku eedeyay inay hayaan howl aan aheyn midda loo igmaday, islamarkaana ay ku fashilmeen amniga caasimada dalka ee Muqdisho.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya kadib markii Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare uu qaraxii maanta u adeegsaday dano siyaasadeed.

Cali Yare ayaa qiil uga dhigtay qaraxa maanta sababaha ay ku diidan yihiin banaanbaxa mucaaradka, ee markii dambe la baajiyey, isaga oo sheegay in cadowga uu maalmaha soo socda uu la damacsan yahay caasimada qaraxyo noocaan ah.

“Waxyaabaha aan ka digeynay waa waxyaabahan, oo aan dhaheyna amniga waxyaabaha laga ganacsan karo maaha, dadka waa inay taxadaraan oo guryahooda joogaan. Cadowga waxa uu isku dayaya maalmaha soo socda inay xoojiyaan in dadka Soomaaliyeed ay dhibaateeyen. Inta ay wax isbadalayaan waxyaabaha hadda la wado yaan dhiigina looga faa’iideysan,” ayuu yiri.

Hadalka Cali Yare ayaa dad badan la yaab ku noqdey, ayada oo uu sare u qaaday shakiga Fiqi uu muujiyey, ee la xiriira in qaraxan saaka uu lahaa ujeeddo ka gedisan midka ay argagixisada sheegatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii