Daawo: Ugaaska Mudullood oo ku dhawaaqay in la baajiyey banaan-bixii berri

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ah Ugaaska beelaha Mudullood ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey banaan-bixii loo balan sanaa inuu Muqdisho ka dhaco Khamiista berri ee 13-ka Janaayo.

Ugaaska ayaa sheegay in guddigii u xil-saaraa qaban qaabada banaan-baxaas ay maanta kulan gaar ah la qaateen, kadib markii ay is tuseen in banaan-baxaas uu ku gedaaman yahay walaac amni.

Sidoo kale Ugaaska ayaa guul ku tilmaamay in hadda laga aqbalay in dib loo dhigo banaan-bixii la qorsheeyey inuu berri dhaco, isla markaana Axada soo socota la go’aami doono waqtiga uu dhacayo.

“Maanta waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer koofurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin maanta marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay aad noo aqbaleen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay la wareegeen isku duba ridka iyo iclaaminta goorta uu dhacayo banaan-baxaas.

“Maalinta Axada ah, waxaad naga sugi doontaan go’aan kama dambeys ah, odayaasha ayaa dhigi doona gogosha lagu iclaaminaayo waqtiga banaan-baxaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.

Ugu dambeyntii Ugaaska beelaha Mudulood ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in nabad ay ku sii noolaadaan, “Dadkiina iyagoo mid ah ayey wixii ay siku raacaan ku dhaqaaqi doonaan, cabsida iska daaya waan ognahay in laga welwelay mudaharaadka,” ayuu yiri.

Wasaaradda amniga XFS ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku fasaxday banaan-baxaas, hase yeeshee waxaa si aan leex-leexad laheyn uga hor yimid oo banaan-baxaas diiday maamulka gobolka Banaadir, waxaana aad looga cabsi qaban in isku dhacyo hubeysan ay berri Muqdisho ka dhacaan.

Hoos ka daawo Ugaaska