Qaraxyadii Beirut oo xaalad kale ay kasoo cusboonaatay

Beirut (Caasimadda Online) – Magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan ayaa gashay xaalad horleh kadib markii dad careysan ay dhigeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaas.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan u maareynin musiibadii dhacday.

Waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada oo ay kamid yihiin kuwa gala dhismaha baarlamaanka la dhigay ciidamo, kuwaa oo suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dad ka careysayn ficilada dowladda.

Dadka ayaa ka careysan qaraxyadii waaweynaa ee dhacay maalintii talaadada, kuwaa oo saraakiisha dalkaas ay sheegeen in uu ka dhashay 2,750 tan oo maadada ammonium nitrate oo si aan wanaaganeyn ugu keydsanaa bakhaar ku yaala dekedda tan iyo sanadkii 2013-ka.

Dad badan oo reer Lubnaan waxay aaminsan yihiin dayac dhank dowladda ay sabab u ahayd qaraxyadii ay ku dhiteen 137 qof halka shan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maalinta axadda ayaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda, waxaase aan la ogeyn sida dibadbaxayadan ay uga sii dari karaan xaaladda Lubnaan oo haatan la daala-dhacyso waxyeeladii qaraxyadii dhacay, dhibaato dhaqaale iyo sameynta feyraska corona.

Qaraxyadii dhacay ayaa burburiyay gurya badan oo ku yaallay caasimadda waxaana ku guri beelay dad lagu qiyaasay 250 kun oo qof. Dad badan ayaa wali la’ yahay, kuwaas oo qaar kamid ah la aaminsan yahay inay ku hoos xaniban yihiin dhismayaashii burburay.