Dimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dabeylo ku dhuftay Jubaland (Warbixin)

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Ibraahim Cabdi Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dabeylo xoogan oo ku dhuftay xeebaha maamulkaasi.

Ibraahim Cabdi Xasan oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 9 qof oo kaluumeysato ah ay ku dhinteen xeebaha Raas Kaambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ku dhaawacmeen 12 kale, halka ay ku burbureen 17 Doon iyo qalabkooda, sida uu shaaciyey wasiirku.

“Khasaaraha haddaan kuu soo koobo waa sagaal dhimasho ah, dhaawacuna waa 12  iyo burburka ah 17 doon oo qalabkoodii wata oo aan maanta waxba laga hayn.” ayuu u sheegay warbaahinta dowladda.

Wasiir Ibraahim Cabdi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in markasta oo la gaaro bisha lixaad ee sanadka, guud ahaan Soomaaliya ay tahay Bad xiran.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degan agagaarka xeebaha iyo Kaluumeysatada inay muujiuaan feeljignaan dheeraad ah.

Dhowaan ayey aheyd markii wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ay soo saartay digniin la xariirta dabeylaha ka jira xeebaha dalka.