Qaraxyo Al-Shabaab ay ka fulin rabtay gudaha dalka Itoobiya oo la fashiliyey

Doolow (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ka fuliso gobolka Soomaalida ee Itoobya. 

Weerarka ayaa waxaa fashiliyey ciidamada Itoobiya ee fadhiggoodu yahay degmada Doolo-ado ee gobalka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida uu sheegay Sarreeye Guuto Getachew Habtamu, oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee ee fadhiggooda yahay Doollo-Ado. 

“Kooxda argagixisada ah ayaa doonaysay in ay weerarka ku fuliso 6 jeerigaan oo ay kiimiko iyo walxaha qarxa kasoo buuxiyeen iyo 3 kun oo rasaasta bireenka ah, si ay ugu waxyeeleeyaan Hantida umada iyo shacabka rayidka ah ee ku dhaqan degmada Doollo-Ado ee gobolka Liibaan,” ayuu yiri taliyaha.

Waxa uu intaas ku daray “Hase ahaate waxaa halistii argagixisadu soo maleegtay ka hortagay oo gacanta ku dhigay ciidamada difaaca qarabka iyo ciidanka ammaanka ee degmadaasi Doollo-Ado.” 

Sidoo kale Sarreeye Guuto Getachew Habtamu oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee ee fadhiggooda yahay Doollo-Ado ayaa sheegay in Al-Shabaab ay marar badan isku dayeen inay gudaha Itoobiya ka geystaan burburin hantiyeed iyo falal argagixisonimo. 

Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo la beegsatay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, hase yeeshee kooxda ayaan inta badan ku guuleysan inay qaraxyo ka sameyso gudaha Itoobiya, si la mid ah dalka Kenya oo tobaneeyo qarax ay ka fulisay. 

Al-Shabaab ayaa 17-kii waxay ciidamada Itoobiya dagaal xooggan kula gashay gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”