Somalia oo ka qayb-gashay shir ay waddamada Geeska Afrika ku yeesheen Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa ka qayb-galay shirweyne gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika.

Madasha uu Biixi ka qayb-galay ayaa ah furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), kaas oo looga hadlayo arrimo muhiim ah.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika, kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka khudbad ka jeediyay waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgelinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo isugu markii ugu horreysay ka qeybgalaya shirkaan ayaa shaaca ka qaada inuu si diiraan usoo dhaweeyee shirka.

Dhankiisa wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane, Axmed Shide oo ah guddoomiyaha sanadkan ee iskaashiga wasiirada maaliyadda ee Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay kala shaqeyn doonaan, sidii inta dhiman guul looga gaari lahaa, si Soomaaliya ay uga soo kabsatay deymaha malaayiinka ee lagu leeyahay.

Si kastaba, shirka sanadkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay horumarweyn ka sameysay dhanka dhaqaalaha iyo dakhliga gudaha oo ay si weyn loogu boggaadiyay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-