Daawo CC Shakuur: Kaamirada dagaalka ha laga leexiyo siyaasiyiinta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka, ayaa soo jeediyay arrimo dhowr ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyntii waxa uu sheegay in guubaabada dagaalka ay tahay inay ku jeedo askariga dhimanaya ee dagaalka ku jira, qaddiyada loo dirarayo iyo caddaynta cadawga lala dagaalayo.

Waxa uu dhaliilay in warbaahinta ay buun-buuniso siyaasiyiinta, ayna tahay in kaamirada iyo warbaahinta lagu jeediyo geesinnimada askarta dhimaneysa ee u dhaawacmeysa xoreynta dalkeenna.

“Anaga waxaa rabnaa in cidda mudnaanta la siinayo ee la buun-buuniyo dagaalka inay noqoto askariga dhimanaya weeyi. Annaga siyaasiyiin ayaa nahay, laakiin haddii kaamirada iyo warbaahinta dagaalka lagu galayo siyaasiga maanta dhan lagu jeediyo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dagaalka macno ma yeelanayo haddii aan askariga dhimanaya, kan dhaawacmaya iyo kuwa iska dhinac dagaalamaya. Mida labaad waxaa waaye in warbaahinta ku jirto waaye maxaa loo dagaalamay, howl-galka qeexitaankiisa, in maanta dhan anaga nagu daba jiro oo uu na sawiro ma ahan.”

Sida muuqata Cabdiraxmaan ayaa la dhacsaneyn dhaqanka muddooyinkii dambe ay siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladda iskaga dayanayaan, kaasi oo ah in warbaahinta dowladda loo adeegsado sidii magac loogu heli lahaa dagaalka socda, ayada oo socdaalkooda uusan macno badan u sameynayn gulufka socda.

In la dhiiri-geliyo ciidanka, ayna masuuliyiinta aadan furinta waa arrin wanaagsan, hase yeeshe dhaqankaan ayaa wax badan ka duwaneyn mashruuca la magac baxay “igu sawir iyo iga gaarsii” oo aan macno badan soo kordhineyn.

Si kastaba, Wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shababa oo haatan dardar ku socda ayaa waxaa kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Sidoo kale waxaa kooxda tan iyo markii uu billowday dagaalka looga laayay xubnihii u badnaa oo ay ku jiraan horjoogayaal, sidoo kale waxaa dowladda usoo galay madax ka tirsan kooxda iyo xubno sanado ka barbar dagaalamayay, kuwaasi oo ka faa’iideystay cafis ay dowladda u fidisay.

Hoos ka daawo muuqaalka CC Shakuur