Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Muqdisho & Khasaaro kala duwan oo kadhashay (Khasaaraha)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan agagaarka SOS ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo gaaraya ilaa Seddex Qarax ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo la socday kolonyo gaadiid dagaal.

Qaraxyadda ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in ay daqiiqado kala dambeeyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa  koowaad uu qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada AMISOM, Waxaana qaraxa ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan .

Qaraxyada kale ayaa dhacay daqiiqado ka dib waxaana la sheegay in uu qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay Qaraxii hore.

Qaraxyada ayaa waxaa ka dhashay  Khasaare dhaawac oo soo gaaray dad Shacab ah oo goobta Maraayay, islamarkaana ay gaareen xabadihii ay fureen Ciidamada AMISOM.

Khasaaraha soo gaaray AMISOM ayaa la sheegay inuu gaarayo Afar dhaawac ah kuwaasi oo xiliga ay kasoo dageen gaadiidka lala eegtay Qaraxyada kale, halka Seddex kale oo shacaba ay ku dhawacmeen Qaraxa.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in laba Askari oo ka tirsan AMISOM ay ku nafwaayen Qaraxyada oo ahaa kuwo qorsheysnaa.

Geesta kale, Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin halkii ay qaraxyo ka dhaceen, islamarkaana waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com