Qaraxyo hor leh oo MUQDISHO laga maqlayo iyo Jawiga magaalada oo caawa aad u qasan (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid ka duwan sidii hore waxaana muddo labo saac iyo bar ah ka socda dhawaqa rasaas iyo qaraxyo xoogan oo laga maqlayo degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada iyo weerarada koowaad iyo labaad ayaa lala eegtay hoteelada Siyaad iyo Wehliye oo kala yaala afaafka hore ee madaxtooyada iyo meel dhow Tallaabo u jirto dhismaha baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarada oo bilowday 06:15 pm ee caawa ayaa isla soo gaaray ilaa labo saac waxaana wali la maqlayaa rasaas oa dhaceyso hoteelada la weeraray.

Ku dhawaad 20 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaala dhigay isbitaalka Madiina sida ay sheegeen madaxda caafimaadka ee isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Saacada Muqdisho oo ah mid kusii dhow seddex saac ayaa wali waxaa maqlaya dhawaqa qarax xoogan oo ku aadan hoteelada la weeraray, iyadoo wali aan howlgalka lasoo afmeerin.

Waxaa laga baqayaa iney kordhaan tirada dhimashada iyo dhaawacyada maadaama muddo seddex saac ku dhow la maqlayo qaraxyo iyo rasaas culus.

La soco waxii kosoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com