Xog: C/kariin Xuseen GUULEED oo ka hor yimid laba arrin oo dhaqan u noqotay ODAYAASHA !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi uu kulamo gaar ah la qaatay Odayaal ka kala socday dhowr beel.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu Odayaashasi kala hadlay qaabka uu u shaqeyn doono Maamulkiisa, waxa uuna ka biyo diiday laba arrin oo ay dhaqan ka dhigteen Odayaasha.

Gulled ayaa sheegay in dhismaha Maamulkiisa uu waxbadan ka duwanaan doono Maamulada kale bacdamaa Maamulka uu garab ka heysto DF Somalia.

Odayaasha ayuu ka diiday in dhismaha Golaha wasiirada Maamulka lagu soo dhiso damaca dhanka Odayaasha waxa uuna ku wargaliyay in shaqsi ahaan tiisa uu doonaayo in wasiirada lagu soo dhiso aqoontooda iyaga oo laga soo dhex xulaayo beelaha, balse aysan la imaan doonin Odayaasha uu isagu aqoon iyo howl karnimo kusoo xulan doono.

Arrinta labaad ee uu diiday ayaa lagu sheegay inay tahay in labada gole ee Maamulka ay dhaxyaal u noqdaan Odayaasha beelaha, waxa uuna tilmaamay in ujeedkiisa uu yahay in khilaaf waliba oo dhacaa ay iyaga xalintooda u taalo, Odayaashuna ay banaan joog ka ahaan doonaan Siyaasada Maamulka.

Labadaani qodob ayaa muujineyso in C/kariin Gulleed uu ku hagardaaminaayo kalinta Odayaasha, isaga oo ka didsan in Odayaasha ay ka horkeenan Xubnaha uu maamulka yeelan doono.

Gulleed waxa uu ogolaaday kaliya in Odayaasha xulista wasiirada kadib kala tashto qaabka loo soo xulay, balse aysan yeelan doonin Odayaasha kaalin Siyaasadeed.

Go’aankaani ayaa imaanaya xili C/kariin Gulleed uusan cabsi ka qabin inuu la kulmo caqabad dhanka Siyaasada ah, waxa uuna kaalin wanaagsan ka heystaa DF gaar ahaan Madaxweyne Xassan oo dhaqaale adag la dultaagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com