Maamulka Puntland oo shaqsiyaad gaar ah kuna sugan Muqdisho ka mamnuucday deegaanadeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in deegaanadooda aysan ka shaqeyn karin labo gudi oo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen oo kala ah gudiga xuduudeynta iyo gudiga doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Cabdulaahi Xaashi Quraan Jecel, afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay in gudiyadaasi marnaba aysan cagta dhigi karin deegaanada maamulkooda uu ka taliyo, isagoo sheegay ineysan aqbali doonin.

Wuxuu daliil usoo qaatay in markii hore ay mucaaradsanaayeen gudiyadaasi, haddana kulankii golaha wasiirada ee shalay laga soo saaray ineysan ka shaqeyn karin deegaanada maamuka Puntland.

“Qodobo dhowr ah ayaa kulanka looga hadlay amnigaba ha ugu badnaadee, labada gudi kama howlgali karaan gudaha Puntland horayna waan kaga soo horjeednay, waxaan u diidnay dowlada waxay garab martay qodob dastuurka kamid ah oo dhigaya in gudiyada heer federaalka lagala tashado maamul goboleedyada” ayuu yiri.

Kulankii shalay ee golaha wasiirada waxaa ka horeeyay kulan baarlamaanka Puntland ay ku sheegeen iney kaga tashanayaan aayaha deegaanada Puntland ayna kaga go’ayaan kasii mid ahaanshaha nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com