Daawo Sawirada: Qeybdiid oo gaadiid dagaal iyo hub culus soo bandhigay kuna wareejiye Guuled

Muqdisho (Caasimada Online) – General Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” oo xiligaani la dhacsan Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Qeybdiid uu isugu yeeray Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulkii hore ee Galmudug.

General Cabdi Xasan Cawaale, ayaa meel fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Galkacyo kula hadlay Saraakiisha iyo Ciidamadii isaga ka amarqaadan jirtay waxa uuna faray in xiligaani iyo wixii ka danbeeya ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed.

Wararku waxa ay sheegayaan in madasha leysugu geeyay Saraakiisha iyo Ciidamada ay ku sugnaayen Xubno C/kariin Gulleed uu usoo wakiishay si General Cabdi Xasan Cawaale looga tiriyo hubka uu ku wareejinaayo Maamulka Cusub.

General Cabdi Xasan Cawaale ayaa goobta ka sheegay in Mowqifkiisa uu yahay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha iyo Maamulkiisa cusub, waxa uuna cadeeyay in Ciidamada uu ku wareejiyay C/kariin Gulleed.

Waxa uu sheegay Gobolada Mudug iyo Galgaduud inay yeesheen Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen lagu doortay Magaalada Cadaado, sidaasi daraadeedna uu amraayo inay la shaqeeyan Maamulka cusub.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9