Odowaa: GalMudug Hal albaab ayaa laga galaa, Guuleed ayaa fure u ah, balse Puntland waxaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay khilaafka dhanka xuduuda ee u dhaxeeya maamulka Puntland iyo Galmudug oo dhawaan lagu dhisay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, wasiirka arimaha gudaha dowlada Soomaaliya ayaa maanta ka dhawaajiyay iney wanaagsan tahay in maamulada Puntland iyo Galmudug wadahadal ku dhameeyaan khilaafka dhanka xuduuda ee u dhaxeeya labada maamul.

Wuxuu si cad u sheegay in xiligan aan la joogin waqti dagaal uu dhexmaro labo maamul oo deris ah kuwaasi oo kamid ah nidaamka federaalka Soomaaliya, dhankooda ay fududeyn doonaa wax walba oo sahlaya iney isku hor yimaadaan labada dhinac.

“Dowlada Soomaaliya waxay dadaalo badan u galeysaa dhameynta khilafaadka, Shacabka Galmudug hal maamul ayay yeesheen hal albaab oo laga galo ayaana loo sameeyay iyo hal qof oo lagala hadli karo wax walbaa, waxaan qabaa waa in wadahadal lagu dhameeyaan khilaafka dhanka xuduuda”ayuu yiri Odowaa.

Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday maamulka la filayo in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe, kaasi oo bisha Ramadaan kadib la gudo gali doono, sida uu sheegay C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Odowaa ayaa sheegay in maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay kala tashan doonaan beelaha iyo xubnaha kaga jira dowlada ee kasoo jeeda labada dhinac ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhisi doonaan maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com