Qaraxyo ruxay Magaalada BOOSAASO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qaraxyo loo adeegsaday Bam gacmeedyo.

Qaraxyada ayaa lagu weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, waxaana la soo sheegayaa in Qaraxyadaasi ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaayo Qaraxyadaasi waxa ayna tibaaxayaan in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa Laba kamid ahaa ilaalada Xarunta, halka war kaasi khilaafsana uu sheegayo inay ku dhinteen Afar ruux oo laba kamid ah ay ahaayen Haween.

Dhanka kale, Saraakiisha Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal Qaraxyada lagu weeraray Xarunta, waxa uuna kusoo beegmayaa xili mudooyinkaani dambe uu aad u qasan yahay Amaanka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com