Qaraxyo xalay ruxay qeybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo xoogan ayaa waxaa lagu weeraray Saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Saldhiga la weeraray oo ay degnaayen Ciidamo Boolis ah, ayaa waxaa lagu tuuray ilaa laba Bam gacmeed oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo rayid ah, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray qof kale oo xiliga weerarka maraayay meel ku dhow Saldhiga.

Saldhiga la weeraray ayaa ku yaalla inta u dhexeysa Xerada Jarmalka iyo Ifka xalane ee degmada Dayniile.

Ciidamada Dowlada ayaa weerarka kadib furay rasaas, waxaana lasoo warinayaa in sidoo kale Ciidamada AMISOM ee degan garoonka cayaaraha ee ku yaalla agagaarka Ifka xalane kusoo jawaaben rasaas inkastoo aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka deegaanka.

Maamulka Degmada dayniile ayaan wali ka hadal Qaraxyada iyo Rasaasta, walow Saraakiisha ay sheegen inay baaritaano ku sameynayaan halka laga soo maleegay Qaraxyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com