Gudoomiye degmo oo xilka xoog looga wareejiye

Afgooye (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali  iyo xubno ka socdo wasaarada arimaha gudaha maamulka koofur Galbeed ayaa maanta tagay magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Safarka gudoomiyaha cusub ee Sh/Hoose ayaa ka dambeeyay markii gudoomiyaha degmada Wanla Weyn uu diiday inuu xilka wareejiyo kuna wareejiyo gudoomiye cusub oo degmadaasi u magacaabay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Isaaq Maama Caliyow oo hayay maamulka Degmada ayaa waxaa la sheegay inuu kasoo horjeestay xil ka qaadista uu ku sameeyay gudoomiyaha Shabeelaha Hoose, wuxuuna ka hor yimid inuu xilka ku wareejiyo gudoomiye cusub oo degmada loo magacaabay.

Afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in wafdiga maanta ee tagay magaalada ay ka koobnaayeen gudoomiyaha Shabeelaha Hooseiyo xubno ka socday wasaarada arimaha gudaha koofur galbeed, waxaana xilka laga wareejiyay gudoomiyihii degmada.

Muddo maalmo kadib markii xilka qaadistaasi la sameeyay ayaa maanta waxaa suuro gashay in gudoomiyihii Wanlaweyn laga wareejiyaa xilka laguna wareejiyaa gudoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay.

Odayaasha degmada ayaa taageersanaa gudoomiyihii hore, waxayna ka soo horjeedeen gudoomiyaha ee iminka loo magacaabay degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com