Arrag Sawirro muujinaaya bilicda hoteel Jazeera weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib loo howlgaliyay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho kadib weerarkii lagu qaaday 26 July ee sanadkaani aanu ku jirno.

Hoteelka ayaa sidoo kale ah midka ugu mashquulka badan Somalia islamarkaana ay u badan yihiin Ajaanibta, waxaana hadda uu kasoo kabsaday burburkii kasoo gaaray qaraxyadii lagu weeraray.

Dib u furista Hoteelka ayaa waxaa kasoo qeybgalay munaasabada Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin.

Weerarkii ugu danbeeyay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay 14 ruux oo u badnaa shaqaale Dowladeed iyo Ajaanib.

Weerarka iyo burburinta Hoteelkaasi ayaa waxa uu kasii qaaday bilic.

jaziira-1 (1)

jaziira-1

jaziira-2

jaziira-1 (1)

jaziira-4

jaziira-5

jaziira-6

Yuusuf