Heshiiska Gaalkacyo: Is ogol, mise isku sidkan?

Gaalkacyo waxaa shalay ka dhacay heshiish lagu sheegay afar qodob oo dagaal maalmo dhacay lagu xalinayay,balse waxaa is waydiin mudan mayahay mid soo afjaraya dhibaatada Gaalkacyo,anigu waxaan aminsanahay inuusan aheyn heshiis rasmi ah oo dhabaha u xaari kara in Gaalkacyo ay ahaato magaalo nabdoon oo ka xorowda labo maamul oo isku haysta.

Heshiiskii lagu saxiixay Gudaha Garoonka Gaalkacyo waxuu ila ahaa “ma heshiin karaane hala isku sidko” maadaama Soomalida ay u badantahay Xoolo dhaqato, Hasho markay Nirigtu ka dhimato ayaa si ay hashu u gurin oo caano looga waayin waxaa la sameeyaa nirig yar oo aysan dhalin ayey ku qasbaan inay baraan oo hooyo camal uga dhigaan,marka arinkaas la samaynayana hasha dhibadan ayaa loo gaystaa akhirkiina xoog ayaa lagu ogolaysiiyaa,marka Heshiiska Gaalkacyo waxaa weeye “waa isku sidkan ee maahan is ogol”.

Gaalkacyo maahan magaalo kaligeed ku ah kala qeybsanaanta waa looga horeeyey waana jiraan kuwa sida ay ukala qeysantahay hada ukala qeybsan,Qudus oo ah Magaalo ay taal xadaarada Islaamka waa kala qeybsantahay inkastoo Israa’iil ay ku xoogantahay hadana maahan magaalo nabad looga tashto

Hadii larabo In reer Gaalkacyo ay heshiiyaan magaalada maamulkeeda ha mideeyeen,Barlin ayaa labo ukala qeybsaneyd waana kala maarmi waayeen waana heshiiyiin darbigiina waa iska dumiyeen,markar reer Gaalkacyo is ogolaada oo noqda dad walaalo ah.

Reer Gaalkacyo waxaan dhihi karaa waa Tukihii caanaha nasiibka u lahaa hadana aan calfan Karin,taasna waan micneynayaa,hadii reer Gaalkacyo hal maamul ku midooban,waxey ka dhaqaalo badanaan kartaa magaalooyinka dhan ee Soomaaliya ku yaala,waayo waxay isku xirtaa wadanka oo dhan,waa magaalo ay wada dagaan dadka aan isku jufo aheyn,waa magaalo ganacsi,waa magaalo dadka degan ay yihiin dad dhaqaalo abuur leh,Tusaale hadii Reer Gaalkacyo ay fahmaan ay noqonkaraan meesha isku haysta Umadda Soomaaliyeed.

Nin aqoonyahay ah oo intii waanwaanta laga waday Galkacyo aan sheekaysanay ayaa igu yiri hadii dhinacyada Gaalkacyo isku haysta ay Turubka isla fahmaan,iyagaa wadanka Hogaankiisa qarniyo haysanlahaa

Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa Gaalkacyo waxay u bahaantahay Dad ka fiyow Cadiifad,siyaasad guracan iyo dano shisheeye,xalka Gaalkacyana 4 qodob maxalin karto

W/Q: Bile Gurhan

bilebeeri@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com