Ethiopia oo xabsi dhigtay nin sheegtay in xil ka hayo SOOMAALIYA, lana soo masafurinayo.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Horn Observer ayaa shaaciyay in Ciiddanka Ammaanka ee dalka Ethiopia ay xabsi dhigeen Xoghayihii hore ee Ururadda Shaqaalaha Somalia FESTU, Cumar-Faruuq Cisman.

Ciidamada amaanka ayaa Cumar Faruuq xiray xili uu ku dhex sugnaa garoonka weyn ee Bole ee magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Faruuq ayaa waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadka lagu martigaliyay Shirweynaha 13-aad ee Ururka Shaqada Adduunka ILO oo ka furmay magaalada Addis Abeba, hayeeshee waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada amaanka oo xili hore kusii sugaayay Garoonka.

Ciidamada amaanka Ethiopia ayaa xariga Cumar Faruuq u cuskaday sheegasho sharci darro ah inuu madax ka yahay Ururka kala ah NUSOJ, FESTU iyo EAJA oo gabi ahaanba laga aqoonsan yahay caalamka.

Cumar Faruuq ayaa waxaa hadda loo safriyay Degmadda Wajaale oo ku taalla Xuduudka Ethiopia la wadaago Somalia, gaar ahaan maamulka Somaliland, kadib markii ay xubno ka tirsan Qoyskiisa bixiyeen Kharajka Biilasha Hoteelladda iyo Tikidhada.

Dhinaca kale, xariga Cumar Faruuq ayaa noqonaaya kii 2-aad mudo sanad ah, waxa uuna xarigiisa dhacaayay xili uu sii galaayay magaalada Addis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com