Gaas oo wali sii wada hanjabaadda GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa wali ku adkeysanaaya go’aankiisii hore ee ahaa inuu iska celin doono Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Gaas oo heshiiskii la kala saxiixday kadib la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dhankiisa uu ka adkeyn doono qodobadaasi, balse haddii uu dareemo xadgudub yar uu qaadi doono talaabo adag.

Waxa uu sheegay in ogolaanshaha qodobadaasi ay tahay mid uu ku raali galinaayo Beesha Caalamka, balse aysan aheyn micnuhu inuu raali galinaayo maamulka Galmudug.

Waxa uu ku adkeysanayaa in DFS iyo Beesha Caalamka aysan dayicin fursada uu ku qaatay heshiiskii qodobeysnaa ee loo soo jeediyay.

Gaas waxa uu sheegay in cidna uusan ugu aaba yeeli doonin waa haddii lagu soo sameeyo xadgudub.

Haddalka Gaas waxa uu imaanayaa iyadoo Beesha caalamka ay awoodeeda isugu geysay Garoowe iyo Gaalkacyo si xal un looga gaaro Colaada sida KMG ah loo xaliyay.

Arrintaani ayaa u muuqaneysa Hanjabaado ku wajahan maamulka Galmudug, inkastoo aan la garan karin sida Galmudug ay ka yeeli doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com