Sawirro: Farmaajo oo ka qeyb galay shir caalami

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdillahi FARMAAJO aAyaa ka qayb galay Shir caalami oo ku saabsan horumarinta wax soo saarka beeraha ee ka dhacay magaalada Durban ee dalka Koofur-Afrika.

Waxaa maalintii aay taariikhdu ahayd 01/12/15 ka furmay magaalada Durban shir caalami ah oo looga hadlayey horumarinta beeraha adduunka, shirkaas oo ay soo qabanqaabisay hadda horumarinta wax soo saarka beeraha adduunka ee loo yaqaan GFIA ama Global Forum for Innovations in Agriculture.

Shirkaas oo ahaa markii ugu horreysay ee lagu qabto qaaradda Afrika, waxaa khudbad aad loola dhacay kasoo jeediyey R/W hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed “FARMAJO”

Shirkaas waxaa looga hadlayey sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka beeraha adduunka, maadaama la saadaalinayo in kororka dadka adduunku uu gaaro in ka badan sagaal (9) billion, halka uu hadda ka yahay in ku dhow shan (5) billion.

Mudane Farmaajo oo khudbaddiisa diiradda ku saarayey sida adduunku uu uga hor-tagi karo cunno yaraanta iyo macaluul adduunka soo wajahda, ayaa si tafatiran u qeexay doorka ay Soomaaliya ka qaadan karto sidii cunno ku filan loogu heli lahaa dadyowga adduunka ku nool, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Soomaaliya in ayada la quudiyo iska daay’e, waxay Soomaaliya quudin kartaa wadamo badan oo aan lahayn dhul ku filan oo ay beertaan, maxaa yeelay Soomaaliya waxay leedahay dhul beereed baaxaddiisu le’eg tahay in ka badan siddeed (8) milyan oo hektar”

Dhinaca kale,, R/W hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa wuxuu marti sharaftii shirka kasoo qayb gashay oo ahayd in ka badan 400 oo qof ku dhiiri geliyey inay maalgashadaan Soomaaliya, kuwaasoo u riyaaqay soo jeedintiisa.

Ugu danbaytii, marti sharaftii kasoo qayb gashay shirka ayaa si weyn usoo dhaqeeyey, in Soomaaliya ay qayb weyn ka qaadan karto ka hortigidda cunno yaraanta adduunka.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii shalay magaalada Gaalkacyo ay ku saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee lagu dhameeyey colaaddii Gaalkacyo. RW Farmaajo ayaa ka codsaday maamulada Galmudug iyo Puntland in aay joojiyaan colaada, waxaa uu sheegay in dagaal aanu marnaba keeni doonin xasilooni waarta. Waxaa ku baaqay in loo turo shacabka masaakiinta ah ee laga qaxinaayo guryahooda.

Farmaajo ayaa dhanka kale soo jeediyay in la sameeyo dib u heshiisiin la dhex dhigo Soomaalida, isagoo sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka dhawaan ka dhici doona Soomaaliya.

Farmaajo ayaa iminka ku sugan magaalada Durban ee dalka South Afrika, halkaas oo uu uga qeyb galay shir looga hadlayay cunnayarida adduunka, oo madax isugu jira kuwa xilal soo qabtay iyo kuwa kaleba shirkaasi lagu casuumay.

Xigasho. VOA

[su_audio url=”http://av.voanews.com/clips/VSO/2015/12/03/4c7eed43-5a06-4188-a01b-ec588d204344.mp3″]

 

imageimageimage

Caasimada Online
Durban South Africa