Qardho iyo Boosaaso – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Laba iyo Tobnaad

Muqdisho (Caasimada Online)-Salaadda subax marka la tukaday anse weli qorraxdii soo bixin ayaan aniga iyo Beatrix ku dhacnay waddada laamiga ah ee ka baxda Garowe, annaga oo u soconna Jihada Qardho.

In yar markii aan soconnay waddadii laamiga ahayd waa ay dhammatay.   Cagafyo kala nooc nooc ah iyo baabuur iska orgayaal ah iyo mishiinno kale oo waddada dhismaheeda loo adeegsanayo iyo shaqaale dhulka tuban ayaan dhex marnay markii waddada nalaka dejiyay.

Waxaan marnay waddo dheer oo maalintaa soo dhan aan ku socon doonno oo inta badan dhagax ah.  Waddooyin badan oo miliqsan waan aragnay marnabase qiyaasteennu nama habaabin.

Annaga oo aad u kulul ayaan goor duhur ah tagnay Qardho.  Waa magaalo dhexaad.  Xilligaa aan joognay aad u kulul. Kulaylka jawiga waxaa noogu darsamay safarka iyo welwelka aan ka qabno in aan habowno ama wax uun ay si naga noqdaan.

Batuun

Markiiba howsha baadi-goobka qoysaska ayaan galnay.  Qaddar yar ka dib waxaan la kulannay gabar aan magaceeda ku soo koobayo Batuun.  Walaalkeed ayaan waraaq uga sidnaa.

Waraaqdii markii ay ka bogatay jawaabna ay diyaarisay ayaan weydiiyay in ay ka warqabtay walaalkeed in uu nool yahay iyo in kale.  Waxay noo sheegtay in ay hadda ka hor maqashay in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.  Inta ay samysay hilib oodkac ah ayay u qaadday.  Waxay aaday Ethiopia.

Waxay noo sheegtay iyada oo la kaashaneysa rag SSDF ka tirsanaa oo Ethiopia joogay ay isku dayday in ay aragto walaalkeed, taasina ay shaqeyn weyday.  Xataa waxaa u suurta-geli weyday in loo xaqiijiyo in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.

Ma hubo in ay Batuun nagu tiri in mar labaad u baxday safar noocaas ah.  Warqadda aan u keennay Batuun aad ayay ugu faraxday.  Waxayna markiiba intii aan howsha ku jirnay ay midkeenba u keentay barafuun haddiyad ah oo aan aad uga helay.

Markii aan qadeynay ayaan sii wadannay safarkeennii.  Markaa anigaa ayaa gaariga wada.  Waxaan ka carareynaa in ay qorraxdu dhacdo inta aynaan gaarin Boosaaso.

Inta suura-gal ah ee ugu badan ee gaarigu dhagaxa ku dul roori karo ayaan eryayaa.  Marka ay qorraxdii sii gaabaneyso, waxaan fishaa in buurta nooga muuqata meesha ugu dambeysa ee ishu ay qabato marka aan gaarno ay baddu noo muuqan doonto.  Laakiin mar kasta oo aan bartaas gaarno, waxaa mar kale meesha ugu shisheysa ee ishu qabato nooga muuqaneysa buur kale.  Waa buuro aan kala go’ lahayn.

Daalka, kuleylka, shanqaraha aan dhegaha u rooneyn ee gaariga dhagaxa maraya ka yeeraya, waddo xumada, aniga iyo Beatrix xataa sheeko ma jirto.

Mar kasta oo buur kale ay noo sii muuqato, iyada oo qorraxdiina sii dhacayso annagana waxaa nagu sii badanaya welwelka.

Gobolka Bari hore uma imaan.  Laakiin ilaa xad ayaan sheekooyin badan ka haystaa.

Boosaaso

Marka laga soo tago waxoogaagii aan iskuulka ku soo qaatay, in magaalada oo la dhihi jiray Bender Qaasim ay tahay magaalo taariikhi ah iyo kaalinteedii ganacsigii fooxa iyo beeyada ee Faraaciinta, walaalkeey Ismaaciil Cumar AUN ayaa dhowr sano ahaa Isu-duwaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Bari.  Marka uu fasax ama shaqo u yimaado Muqdisho, ayuu nooga sheekeyn jiray Gobolka baaxaddiisa iyo waxyaabaha u gaarka ah; Sida in degmooyinkiisa qaaarkood doon uun lagu tegi karo ee aan waddo jirin.

Waxaa kale oo uu noo sheegay in ay Gobolka ka soo degaan waxyaabo badan oo qaarkood laga soo geliyo dalka dekado macmal ah oo canshuurta lagala dhuuntay.  Sidaa darteed ay waxyaabahaas qiimahoodu aad uga jaban yihiin kuwa xamar yaalla. Waxaa ka mid ahaa saacadaha, boorsooyina, dharka, goglaha iyo katiifadaha, maacuunta, waxyaabaha korontada ama bateriga ku shaqeeya sida rikoorrada oo berigaas kuwa labada cajaladood qaadaa ay ahaayeen farsamada ugu sarreysa, raadiyayaasha, mashiinnada xisaabta, nalalka iyo qalabka kale ee korontada iyo wax kasta oo waxtar leh oo dibadda laga keeno.

Wax aan wakhtiga eegnaba, ugu dambeyntii waxaan soo gaarnay waddo aan laami ahayn, laakiin la simay si laami loo saaro oo gaarigu aad ugu xawaareyn karo.   Waddadaas markii aan muddo yar ku soconnay, qorraxdiina ay markaa dhacday oo salaadda makhrib la tukaday laakiin weli iftiin ah, ayaan waxaan galnay Boosaaso.

Hotel aan u maleynayo in magaciisu uu ahaa Milano ayaan tagnay.  Magaaladu dhaqdhaqaaq noocaasa ma laha.  Dad waddooyinka socda ma aynaan arag.  Gaadiid aan keenna ahayna intii yarayd ee magaalada aan joognay waxaan ka aragnay hal baabuur oo kuwa xamuulka ah oo magaalada ka soo baxaya.

Nin aan hoteelka ugu tagnay ayaa meel deyrad gudaha ku taalla na fariisiyay inta uu malahaa qolalka soo diyaarinayo ama uu soo hubinayo nin la hadlay oo gudaha u galay hoteelka.

Wuxuu naga wareystay meesha aan ka nimid, markaas ayaan u sheegnay in aan Garowe saaka ka soo baxnay.

Oday meel aan naga fogeyn gogol ku fadhiyay.  Ayaa wuxuu yiri: “Adduunyooy xaalkaa ba’. Ma dadkii xalay Garowe ku hoyday ayaa caawa Boosaaso nala jooga!”.

Wuxuu u dan leeyahay in uu tilmaamo in adduunku casri noqday oo maalin keliya loo kala socon karo Garowe iyo Boosaaso.

Xilli Boosaaso laga xagaa baxay ayay ahayd.  Iga rumeyso waxaa howl noqotay iska daa nooca aan dalbanno ee in casho naloo helo.  Dadaal ay ka mid tahay in la tegey makhaayad la xiray, aakhirkii waxaa nala siiyay raashin.

Cashada ka dib waa naloo digay.  Haddii aan berri joogeyno waa in meesha aan wax ka cuni doonno aan hadda sii wargelinno si loogu talo galo.  Iyaga ayaan u xil saarnay howshaas.

Maalintii xigtay waan joognay.  Waxay ahayd maalin dhinacna aan ku faraxsan ahay in aynaan shalay habaabin, welibana aan soo dheereynay.  Dhinacna aan jawiga magaalada xammili kari la’ahay.  Berbera ayaan markiiba soo xusuustay.

Goobihii tirada yaraa ee aan maalintaas tegey waxaa ka mid ahaa Xarunta Isgaarsiinta ee Gobolka Bari oo walaalkeey wakhti badan ka ahaa Isu-duwaha Isgaarsiinta, ninka hadda joogaana uu yahay saaxiibkiis oo aan is naqaan.  Derejada Isu-Duwaha Gobolka hadda lama adeegsado.  Qiyaasteyda waxay u dhigantay Wasiirrada Dowlad Goboleedyada ee hadda jira.  Isu Duwayaashu waxay ahaayeen mas’uuliyiinta ugu sarreeya howlaha Wasaaradda ee heer Gobol.

1995 iyo 2002 

Safarkeygii 1987, markii iigu xigtay ee aan Boosaaso tago waxay noqotay 1995 mar dad Soomaali ah oo tarxiil ah uu markab ku soo daadiyay xeebta.  Laba maalmood ayaan Boosaaso soo joogay oo aan af Soomaali, af Ingiriisna iyo af Faransiisba aan caalamka ugu soo tebiyay dhibaatada dadkaas haysatay.

Berigaas Dowlad Soomaaliyeed ma jirin, waxayna ahayd ka hor inta aan la sameyn Dowlad Goboleedka Puntland.

1995 Boosaaso way ka dad badnayd sidii aan ku ogaa 1987, laakiin Boosaasada iga yaabisay waxay ahayd horraantii 2002 markii aan socdaal ku tegey si aan heshiis ula galo SBC, shir saxaafadeedna aan Boosaaso ugu qabto oo aan ku dhawaaqo in BBC, FM looga dhegeysan karo Boosaaso, Qardho iyo Garowe.

Markaas Boosaaso waxay ahayd mid aan la barbar dhigi karin, magaaladii densanayd ee aan arkay 1987.

Boosaaso waxay ahayd magaalo la mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka amaba qaraddeenna.  Welibana qaar badan ka horumarsan.  Hoteellada, makhaayadaha, gaadiidka cir dhul iyo badba leh, isgaarsiinta, ganacsiga kala socda, shaqaalaha tirade badan ee dekedda, Jaamacadda Bariga Afrika oo aan booqday iyo dhsimayaasha tirada badan ee qaarkood ay aad u qurxoon yihiin.

Qofkii Boosaaso hore u yaqaannay, waxay u ahayd magaalo hor leh. Xataa waan aqoon waayay goobihii aan tegey 1987.

Wararka aan maqlayana, Boosaaso aad ayay hadda uga sii horumarsan tahay, middii intii aan ku ogaa 2002.

W/Q. Yuusuf Garaad