Masar iyo Israel oo wada galay heshiis cajiiba oo wajigiisa koowad uu horay u burburay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada Dolphinus ee laga leeyahay dalka Masar ayaa la xaqiijiyay inay Heshiis dhanka shidaalka ah la gashay Shirkad kale oo laga leeyahay Israel.

Heshiiska Shirkada Dolphinus ee Masar iyo Israel ayaa ku xeeran kala iibsiga Gaaska dabiiciga ah.

Shirkada Dolphinus ayaa la sheegay inay gaaska dabiiciga ah kasoo iibsan doonto shirkada Israel, heshiiskan oo socon doona muddo 10 sano ah.

Dowlada Masar oo qani ku ah Gaaska dabiiciga ayaa sanadkii 2005 saxiixday in gaaska siin doonto Israel.

Heshiiska dhacay sanadii 2005 ayaa waxaa ka horyimid shacabka Masar oo ku dhaliilay dowladii Xusni Mubarik inay gaaskooda ka iibiso maamulka Yahuuda.

Muddo dheer kadib dowlada Israel ayaa ku guuleysatay sanadadii 2009 iyo 2010 inay badeeda kasoo saarato gaaska dabiiciga ah.

Israel ayaa soo sarashada kadib heshiiskii ugu horeyay la gashay dalka Jordan, heshiiskaasi gaaska oo socon doona 15 sano ayey dowlada Jordan dhaqaale gaaraya 10 bilyan oo dollar ku iibsaneysaa gaaska Israel.

Sidoo kale, heshiiskan labaad ee Israel la saxiixatay Masar ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xoojin doona dhaqaalaha iyo amniga Israel.

Docda kale, Heshiiska Masar iyo Israel eek u xeeran Gaas ayaa lagu qiimeeyey inay ku baxeyso lacago dhan $15bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com