Qatar iyo Turkey oo ku kala tagay loolan u dhaxeeya oo ka billowday Soomaaliya

Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Arab Weekly ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in inkasta oo dalalka Qatar iyo Turkey ay u muuqdaan xulufo, haddana ay kusii kala durqayaan loolan xooggan oo u dhaxeeya oo ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in labada dal ay ku loolamayaan qaar ka mid ah maamulka dekedaha Soomaaliya iyo mashruucyada kale ee kaabayasha ah ee laga fulinayo Soomaaliya.

Turkey ayaa gacanta ku haysa dekedda ugu weyn Soomaaliya ee Muqdisho, halka Qatar ay hadda isku dayeyso inay maal-gashato dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.

Wargeyska oo soo xiganaya qaar ka mid ah warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegaya inuu burbur wajahayo is-xulufaysigii u dhaxeeyey labada dal ee gudaha Soomaaliya. Qatar iyo Turkey ayaa kula loolamay Soomaaliya, ugana guuleystay xulufadii Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeyska oo soo xigtay sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in Qatar ay gudaha Soomaaliya ka qaadatay go’aanno ay diidaneyd Turkey. Wargeyska ma uusan shaacin waxa ay ahaayeen mowqifyadaas.

Xiisadda labada dal ayaa kasoo billaabtay dalka Qubrus, kadib markii Turkiga uu billaabay inuu xeebaha dalkaas ka baaro gaas. Goobahaas ayaa ahaa kuwa horey xuquudooda ay dowladda Qubrus u siisay dowladda Qatar.

Warbixinta ayaa sheegtay in wafdi dhowaan ay Qatar u dirtay Soomaaliya ay adeegsadeen siyaasado ka dhan ah dowladda Turkiga, aadna ay uga hor-yimaadeen.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowaan wargeyska Daily Sabah ee Turkiga oo ku xiran madaxweyne Erdogan uu qoray in taleefishinka Aljazeera oo ay Qatar leedahay uu faafinayey dacaayado ka dhan ah howlgalka Turkiga uu ka fuliyey waqooyiga dalka Syria.

Halkaan ka daawo madaxweyne Farmaajo oo weeraray Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com