Xog: Kulankii Farmaajo ee ganacsatada Nairobi oo ay wiiqeen laba caqabad

Nairobi (Caasimada Online) – Kulan uu madaxweyne Farmaajo shalay magaalada Nairobi kula yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa waxaa ka hor-yimid laba caqabad oo yareysay saameyntii madaxweynaha filayey inuu yeesho.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, kulanka oo ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, ayaa markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto mid ka mid ah hoolalka magaalada.

Si kastaba waxaa diiday dowladda Kenya, maadaama ay qasab ahayd in looga fasax qaato sababo la xiriira maqaamka madaxweynaha iyo inay lagama maarmaan tahay in amnigiisa la sugo.

Dhinaca kale, inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee ugu weyn ugana saameynta badan magaalada Nairobi ayaa diiday inay la kulmaan kana qeyb galaan kulanka madaxweynaha.

Ganacsatada kasoo jeeda beelaha Abgaal iyo Ogaadeen ayaa Farmaajo ku eedeynaya inuu dagaal iyo beegsi ku hayo madax ku hayb ah oo uu ku beegsanayo gudaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa horey dagaal ula galay madaxweynaha Jubaland oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, sidoo kalena xayiraado saaray madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo kasoo jeeda beesha Abgaal.

Beelaha Abgaal iyo Ogaadeen waa beelaha ugu waa weyn ee gacanta ku haya ganacsiga Soomaalida Nairobi uguna taajirsan, waxaana awooddooda iyo saameyntooda ay u adeegsadeen inay ka hor-tagaan la kulanka madaxweynaha ee ganacsatada.

Sida aan xogta ku helnay, kadib labadan caqabad ayaa madaxweynaha go’aansaday inuu ganacsato yar oo fikir ahaan taageersan kula kulmo xarunta safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Sawirro kulanka laga soo qaaday ayaa muujinayey inay aad u yaraayeen ganacsatadii u tagtay madaxweynaha, kamana muuqan dhammaan kuwa la yaqaan ee ugu saameynta badan Nairobi.

W/Q: Cabdixakiim Cilmi Xasan
Caasimada Online

Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com