Warbixin shaaca ka qaaday sida ay shirkad Itoobiyaan ah u hubeyso Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga Qaramada Midoobay ee UN Monitoring Group, ayaa warbixinteedii sanadlaha aheyd ee sanadkan 2019, waxay ku sheegtay in shirkad ay leedahay dowladda Itoobiya ay hubka ka iibiso Somaliland.

UN Monitoring Group ayaa sheegtay in Shirkadaasi oo lagu magacaabo Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay sidoo kale hub ka iibiso maamulo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkasta oo aysan xusin.

Guddigaasi ayaa waxay sheegen inay heshay Dokumentiyo cadeynaya in hub la kala iibsaday sanadihii 2013 ilaa 2015, iyadoona la kala siistay hubkaasi lacag ka badan saddex milyan oo dollar.

Warbixintaasi ayaa sidoo kale waxa lagu soo bandhigay Warqad qoraal ah oo uu qorey Taliyihii hore ee Ciidanka Somaliland, Generaal Ismaaciil Shaqale, midaasi oo sheegaysay in Somaliland ay shirkada MetEC ka heshay hub qiimihiisu dhan yahay 698,600 oo dollar, taasi oo ay ku taariikhaysaneed 28 September 2014.

Waxa ugu dambeyntiina Warbixintaasi lagu sheegay in shirkada Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay maamulada Somaliland iyo Puntland ula dhaqmi jirtay sida dalal madax banaan, sidaasina uga iibin jirtay hubka.

Halkaan ka daawo madaxweyne Farmaajo oo weeraray Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa