QATAR oo ballan-qaad weyn u sameysay DF Soomaaliya

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ballan-qaaday in ay sare u qaadeyso taageerada ciidamada xoogga dalka, oo dib u habeyn ballaaran iyo tayeyn lagu sameynayay sanadihii dambe, xilli uu dalka ku jiro guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ballan-qaadka Dooxa ayaa yimid kadib kulan xasaasi oo dalkaasi ku yeesheen taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye-gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo dhiggiisa dalka Qatar Sarreeye guud, Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit,

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay arrimaha saldhigga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaliya iyo Qatar.

Sidoo kale waxay si weyn uga hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ciidamada xoogga dakka oo dhinac kasta leh, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in sare loo qaado deeqaha waxbarasho ee la siiyo saraakiisha ciidamada millateriga Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddoow ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu taliyaha ciidanka xoogga dalka uu ballan-qaaday in xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Ugu dambeyntiina, taliyaha ciidamada milateriga dalka Qatar, Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay kulliyadaha ciidamada ee dalka Qatar.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.