Telefishanka Qaranka oo qiil yaab leh u sameeyay arrintii uu kula kacay Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrin uu shalay kula kacay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Telefishanka Qaranka ayaa shalay aan tebin khubad uu Shariif ka jeediyay baarlamaanka, taasi oo uu madaxweynihii hore uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV) ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in cilad farsamo oo dhinaca internet-ka ah ay sababtay inuu hakad ku yimaado tabintii tooska aheyd ee telefishanka, xilligaasi oo uu Shariif khudbad ka hor jeedinayay mudaneyaasha Golaha Shacabka.

(Maamulka SNTV waxaa uu caddeynayaa inuu mar walba u taagan yahay u adeegidda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegin kala duwanaansho siyaadasadeed iyo fikir toona. Adeegyada muhiimka ah ee Telefishanka u hayo Qaranka waxaa ka mid ah tebinta dhacdooyinka iyo barnaamiyada muhiimka u ah dowlad dhiska iyo wadajirka ummadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka Telefishanka Qaranka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Shalay oo taariikhdu ahayd 19 bisha February waxaa Telefishanka Qaranka uu si toos ah u soo tebinayey kulanka Baarlamanka ka socda. Waxaa intii tebintaasi tooska ah ay socotey Telefishanka la soo gudboonaadey cilad farsamo oo dhinaca internetka ah , taas oo hakad ku keentay tebintii tooska ahayd.”

Maamulka Telefishanka Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in marwalba uu diyaar u yahay in uu si hufan ugu adeego qarank aiyo shacabka Soomaaliyeed intaba.

Arrintaan ay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka uu kula kacay madaxweynihii hore ee dalka oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshaha dowladda ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka ayaa la rumeysan yahay in si ula kac ah u sameeyeen, wallow uu maanta maamulka qiil ka dhigtay inay soo wajahday cilad farsamo.

Tallaabadan ayaa waxaa shalay si weyn uga fal-celiyay Sheekh Shariif, taasi oo uu tilmaamay madaxweynihii hore ee dalka inay billow u tahay “waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida xildhibaanka iyo tan siyaasiga.”

Sidoo kale Farmaajo ayaa qoraal uu isna arrinkaan kasoo saaray ku sheegay inay hordhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya” isagoo madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka soo laabto qorshahaan uu kaligiis ku mayal-adeygayo ee dastuurka wax looga bedelayo.