Qatar oo ka hadashay inuu jiro musharax ay taageerayso doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa markii u horeysay iska fogeysay inay taageerayso musharax gaar ah doorashada soo socota, xili ay soo baxayaan warar sheegay inay taageerayso madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Xasan Xamse Maxamed ayaa barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da u sheegay in dowladiisa aysan marnaba ka qeyb qaadan doonin doorashada Soomaaliya, iyada oo taageeraysa musharax gaar ah oo ay wadato, sida uu hadalka u dhigay

Waxa kale oo uu beeniyay in lacag malaayiin doollar ah ay xukuumadiisu ku maal-gelisay doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu ku eedeyay hanti dhowrihii hore ee qaranka, oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista

“Taasi run maaha, eedeyntaasi wax sal leh maaha, kamana badna ku-turi ku-teen ujeedkeedu yahay in lagu sumcad tiro doorka wanaagsan ee dowladda Qadar ka ciyaarayso Soomaaliya, waxaana lala wada socdaa inay jiraan dhinacyo lidi ku ah Qatar oo ka shaqeynaya faafinta ku-turi ku-teenta,” ayuu yiri Safiirka Qatar ee Somalia.

Safiirka ayaa ku dooday in Qatar ay qeyb weyn ka qaadaneyso xasiloonada Soomaaliya, isla markaana aysan faro-gelin ku hayn arrimaheeda gudaha oo ay kamid tahay doorashada.

Hanti dhowrihii hore ee qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa dowladda Qatar ku eedeyay inay doorashadii madaxweyne Farmaajo ku maal-gelisay lacag dhan 8-Milyan oo dollar, isagoona sheegay inuu cadeynayo arrintaasi, wallow uusan Galka Baarista usoo bandhigin wax cadeyn ah.

Waxa uu sheegay in lacagtaasi loo adeegsaday laaluushka xildhibaanadii afar sanno ka hor doortay Farmaajo, isla markaana loo isticmaalay sidii uu kusoo bixi lahaa, isagoona xusay in lacagahaasi ay dalka kasoo galeen dhanka Airport-ka oo aysan soo marin hanaanka maaliyada.

Dowladda Qatar ayaa inta badan la sheega inay xiriir hoose oo saaxiibtinimo la leedahay madaxda sarre ee dalka, iyada oo siyaasiyiinta mucaaridku ay la xiriiriyan inay qeyb ka tahay xiriirka sii xumaanaya ee Villa Somalia la leedahay dowladda Imaaraadka, taasi oo si madax-banaan u cadeyn karin Caasimada Online.