Qatar oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah xulufada Sacuudiga

Doxa (Caasimada Online) – Xukuumadda Qatar ayaa amar ku bixisay in badeecadaha ay soo saaraan dalalka Sucuudiga, Imaaraat-ka, Baxrayn iyo Masar ee lagu iibinayo dukaamada waawayn ee dalkeeda gabi ahaantood ba dhulka la dhigo.

Arintani waxay daba socotaa khilaafka diblomaasiyadeed ee dhex yaalla Qatar iyo wadamadaas.

Wasaaradda dhaqaalaha Qatar ayaa warbixin ay soo saartay ku amar ku bixisay in badeecadaha afartaa dal laga soo dhoofiyo, oo dhamaantood ku dhawaad sanad ka hor xidhiidhka u jaray dalkaa yar ee Gacanka ku yaal, dalka laga mamnuucay.

Dalalkaasi markii ay xidhiidhka u jareen Qatar waxay sheegeen in ay ahayd tallaabadaasi mid ay kaga fal celinayeen taageerada maaliyadeed ee ay sheegeen in Qatar siiso mitidiinta Islaamiyiinta ah iyo xidhiidha dhaw ee ay leedahay Iran.

Qatar waxay kaga gaashaamatay cunaqabataynta dhaqaale ee ay afartaa dal ku soo rogeen, hantideeda badan iyo badeecadahii ay ka joojiyeen oo ay ka soo waaridatay Turkiga iyo Iran.

Isha: BBC Somali