Xog: Xeebaha magaalada Muqdisho oo la sumeeyey (Yaa ka dambeeyey?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeebaha Magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegayaa inay suman yihiin, sida uu ku waramaayo Gudoomiyaha Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Somaliya.

Admiral Faarax Qare, ayaa shegay baaritaano kala duwan oo ay sameeyeen inay ku ogaadeen biyaha Xeebaha Muqdisho inay yihiin kuwa sumeysan oo halistooda leh.

Sambalo ay ka qaadeen isla markaana ayna ku soo baareen Sheybaar yaalla Kenya ayuu sheegay in ay ku ogaadeen in Biyaha Dakadda Muqdisho iyo Xeebaha ka ag dhaw ay yihiin kuwa Sumeysan.

Sababaha waxa uu ku sheegay Maraakiibta Qashinka ku daadiso Biyaha Soomaaliya oo ku soo caarisa iyo Dhiigga Xoolaha la qalo oo lagu shubo badda.

Admiral Faarax Qare waxa uu tilmaamay in Wasaqda il ma aragtada ah ee ku jirta Biyaha ay u baahan yihiin qalab casri ah oo lagu baaro, balse aysan Hay’adoodu heysan, dhibaatada ugu weyn ee hortaalla ay tahay.

Si gaar ah waxa uu sheegay in bartamihii todobaadkii tagay in Kunteenarkii 25-aad lagu arkay Dakadda Ceel Macaan, Hirarka Biyaha ee dhufanaya ay Banaanka usoo saareen.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa wuxuu ugu baaqay in arrintaasi il gaar ah ay ku hayso, islamarkaana ay la socdaan dhaqdhaaaqa kala duwan ee xeebaha Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com