Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday halis Soomaaliya uga soo socota khaliijka

Kampala (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ka digay in xiisadda dibloomaasiyeed ee dallka Khaliijka ay carqald ku tahay dadaallada nabadeed ee dalka Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Alexander Rondos ayaa sheegay in xiisaddaasd ay cawaaqib xun oo toos ah ku yeelatay dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Bariga Afrika, ayna kasii dartay xiisad markii horeba dalka ka jirtay.

Xiisaddan ayaa sii xumaatay markii ay iska horyimaadeen dalalka Soomaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo ah dal yar oo isku dayaya inuu saameyntiisa geeyo meelo ka baxsan dalka Yemen, oo ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda.

“Mid ka mid ah hadafyada ugu muhiimsan ee Midowga Yurub ayaa ah in la xaqiijiyo in Bariga Afrika laga ilaaliyo xiisad goboleedka siyaasadeed ee Khaliijka” ayuu yiri Alexander Rondos.

“Xiisadda dalalka gacanka iyo isbaheysiga ay la sameysteen madaxda Bariga Afrika, waxay qaribi kartaa dhammaan dadaalladii laga waday Soomaaliya” ayuu yiri Rondos.

“Ma dooneyno wax sii xumeeya dadaallada aan ka wadno Soomaaliya” ayuu sii raaciyey Rondos.

Dalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta ayaa ku guuleystay inuu iska horkeeno dowladda dhexe iyo maamullada dalka, kuwaas oo Imaaraadka taageeraya, kana helaya dhaqaale badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com