Qatar oo shaacisay sirta ka dambeysa cadaadiska la saarayo dowladda Somalia

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shaacisay sababta ka dambeysa cadaadiska saaran dowladda Soomaaliya, oo saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar Mohamed Bin Abdulrahmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Qatar uu sababay in dowlado badan Cadaadis ay saaraan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in dowladihii xiriirka u jaray sanadkii 2017 ay cadaadis saarayaan dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka doonayaan inay Qatar xiriirka u jarto dowladda Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Qatar ay ka aamustay go’aanadii kasoo baxay shirkii madaxda Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga Islaamka ku yeesheen dalka Sacuudiga.

“Dalalka na saaray xayiraada waxay ku cadaadinayaan dalalka gobolka, inay anaga naga soo horjeedaan, sida Soomaaliya oo loo cadaadinayo xiriirka ay nala leedahay”ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Dowladda Soomaaliya oo go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay xiisadii wadamada Khaliijka ayaa loo arkaa inay u janjeerto dhanka dowlada Qatar, taasi oo keentay inay cadaadis badan la kulanto.

Madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ayaa marar badan isaga daba noqday dalka Qatar, waxaana wali fulin balanqaadka iyo Mashaariic Dowladda Qatar shaacisay inay ka hergelin doonto dalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com