Qeybo ka mid ah gobollada Soomaalida Kenya oo laga helay Coronavirus

Mandheera (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyey in laba kiis oo ku saabsan cudurka Coronavirus laga helay magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay degto.

Sida uu xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka, labada qof ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa ka yimid Magaalada Mombaasa ee ku taalla gobolka xeebta  iyagoo soo galay Mandheera.

Sidoo kale wasiirka ayaa xaqiijiyey in 14 qof oo hor leh in uu ku dhacay cudurka Coronavirus gudaha dalkaas. Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 guud ahaan Kenya waxay gaarayaan 172 qof.

Xoghayaha Golaha Caafimaadka ee dalka Kenya Mutahi Kagwe ayaa ku baaqay in l joojiyo isku socodka magaalooyinka dalka Kenya si looga hortago faafintaanka cudurka sida weyn ugu faafay Adduunyada.

Kiisaska cusub ee laga helay Magaalada Mandheera ayaa cabsi weyn ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan Gobolka Waqooyi Bari iyo magaalooyinka Soomaalida ee u dhow xuduuda labada dal, maadaama uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho.

Dowladda Soomaaliya ayaa goor hore joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha, waxayna weli ku guuleysan la’dahay inay xakameyso isku socodka Xuduudaha ay Soomaaliya la deedahay Kenya iyo Itoobiya taasoo halis ku ah Soomaalida.