Kiiska musuq-maasuqa ee wasaarada caafimaadka oo lugaha la galay xubno kale

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo kiiska Musuq Maasuqa ee ka taagan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegayo inuu marayo meel xasaasi.

Kiiskaan oo loo xiray Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buule iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xaashi Cali ayaa laga yaabaa inuu lugaha la galo xubno kale oo ka kala tirsan Wasaaradaha Caafimaadka iyo Maaliyadda.

Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buule oo ay Xarunta dambi baarista su’aalo ka waydiisay kiiskaan ayaa sheegay inay howshaan kula jiraan Mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintaan oo loo heysto inay lunsadeen lacag loogu talagalay dhismaha Machadka Caafimaadka iyo kuwa kale ayaa waxaa kiiskooda gacanta ku hayo Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Xarunta Dambi Baarista ee CID.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu baaritaan saameyn ku yeesho qandaraas ku saabsan Kiiska Coronavirus oo lagu bixinayo lacag dhan 400,000 Doolar oo ay dhowaan maamushay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, kaasoo la siiyey qandaraasle Soomaali ah bishii hore inkastoo uusan qeyb ka aheyn musuq maasuqa loo heysto xubnahaan xiran.

Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar oo ka hadashay xariga Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa sheegtay in aanay wax ka ogeyn xarigga agaasimaha, balse uu socdo baaritaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawr mas’uul u xirtay kiis ku saabsan musuq maasuq, waxayna inta badan kiisaska kusoo dhammaadaan wadahadal iyo in lasii daayo xubnaha lagu helay musuq maasuqa iyadoo aan laga warbixin halka uu ku dhamaaday.