Qisadii baraa’ah ee ka ilmeysiisay malaayiinta + Videos

Baraa’ah waa gabadh Masriyad ah oo toban jira, waxaa iska dhalay labo waalid aabbe Masri, iyo hooyo Suuriyaan. Labadeeda waalid waxay ahaayeen dhaqaatiir, waxay u guureen dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si ay u helaan noolal sacaada leh oo wanaagsan.

Baraa’ah waxay ahayd gabadh yar oo caqli badan, maskax fudud, oo xikmad badan. Quraanka ayay xifdisay asaga iyo axkaamtiisa oo dhan, iyadoo intaas jirta. Macallimaddeeda mar walba waxay oran jirtay, dugsiga hoose ma ahane, kan dhexe ayay mudan tahay in la geeyo Baraa’ah.

Qoyska Baraa’ah, wuxuu ahaa qoys ladan, oo farxad ku nool, nolashooduna ay ku taagan tahay Quraanka. Waxay ku noolaayeen farxad iyo raxmad Ilaahay. Aabbe iyo hooyo fiican oo xannaan qalbigeeda uu ku qabooba ayay Baraa’ah lahayd.

Marxaladdaasi quruxda badan ee farxadda iyo sacaadada ku dheehan ayay Baraa’ah ku nooleed, jeer si kedis ah hooyadeed ay u dareentay xanuun aad ah. Baaritaanno badan kadib, ayaa lagu ogaaday in hooyada barakaysan ee dhashay Baraa’ah uu asiibay xanuunka loo yaqaan Kansarka.Waxay ahayd hooyo qalbi cad, oo naxariis badan, gabadheeda Baraa’ahna waxay ahayd mid aad u jecel, oo ku indho qabowsato. Waxay ka walwashay sidii ay gabadheeda ugu sheegi lahayd xanuunka haya, laakiin way ku dhici waysay inay daaha uga qaaddo, ayadoo ka cabsanayso inay ka walwasha akhbaarta ay u wadda oo qalbigeedu ay dhaawacdo. Laakiin hooyadan kheyr qabtada ahi, muddo kadib ayay go’aansatay inay gabadheedda daaha uga qaaddo xanuunkeeda, ayna siiso dardaaran muhiim ah, maadaama ay lagama maarmaan u aragtay.

Waxay ku tiri ”Baraa’ah gabadhaydiiyeey!! Jannada ayaan kaaga hormarayaa, hooyo Quraankii aad baratay aqri maalin walba, isaga ayaa kugu ilaalinaya adduunyada”.

Baraa’ah, sawir wanaagsan kama ay helin arrinkaasi, laakiin waxay dareentay murugo iyo is baddal kadib markii hooyadeed gurigii ay ka tegtay oo ay gashay isbitalka.

Baraa’ah subaxdii ayay bixi jirtay oo ay aadi jirtay iskoolka, markiina ay ka soo baxdo, waxay toos u aadi jirtay isbitalka, si ay ula joogta hooyadeed, waxayna ku dul aqrin jirtay Quraanka.

Galabtii ayaa waxaa u iman jirey aabbaheed oo xilligaasi shaqada kasoo baxay, markaasuu ka soo kaxayn jirey oo guriga uu u wadi jiray. Baraa’ah, hooyadeed aad ayay u jecleed.

Subax subaxyada kamid ah ayaa sidii aanan caadada ahayn, waxaa aabbaha Baraa’ah soo wacay dhaqaatiirta, oo ku yiraahdeen, ”Xaaskaagu waa halis, in la haya (mowdka) oo kale, fadlan soo dhaqso”. Durba aabbahii wuxuu ka cararay shaqadii oo wuxuu aaday iskoolkii, oo uu Baraa’ah, kasoo kaxeeyey. Wuxuu soo fuulay Baabuurkii oo uu si deg deg isbalkii ku yimid. Wuxuu gabadhiisii Baraa’ah ku yiri ”Kusii jir baabuurka, kadib ayaan kuu iman oo aan ku kaxayn doonaa si aad u aragto hooyadaa”. Wuxuu uga cabsanayay haddii uu dul geeyo hooyadeed oo uu mowdku kusoo xaadiray inay laab cidhiidhyooto oo uu qalbigeedu wax gaaro. Cabsi uu u cabsanayay gabadhiisa ayuu gaarigii uga dhex tagay.

Aabbe naxariis badan oo jecel xaaskiisa iyo gabadhiisa, wuxuu u yaabay gabadhiisa, markii uu baabuurkii ka degey ayuu billaabay ilmo iyo inuu ooyo. Waxaa fuulay hamuum iyo murugo aad u weyn, asagoo ilmeynaya ayuu dhankii albaabka u dhaqaaqay. Xilli uu sii socday, ayaa waxaa ku dhacay baabuur xawaare kulul ku duulaya, oo dar daray. Aaah!!.

Baraa’ah, aabbaheed halkii ayuu ku geeriyooday, gabadhii yarayad ee waxa hooyadeed ku dhacay aanan war u hayn ayadoo u jeeddo ayuu aabbaheedii qiimaha badnaa ee qalbigeeda badhkiisa ahaa uu ku geeriyooday.

Baraa’ah, way ka murugooday geerida aabbaheed, xabadkiisa ayayna ku dul oysay wax badan, waayo Baraa’ah waxay ahayd gabadh jecel aabbahaheed.

Baraa’ah hooyadeed way geeriyootay, waxayna raacday sowjkeedii ay jecleed. Nolasha adduunyada waxay ku cidleeyeen Baraa’ah gabadh yar oo qalbi cad.

Baraa’ah yariisey, waxay noqotay keli, ma taqaan wax qaraabo ah oo u jooga dalka Sacuudi Carabiya,

Baraa’ah way xanuunsatay geeridii labadeeda waalid kadib, dabeeta waxaa kulmay saaxiibadii waalidkeeda oo Masaari iyo Sacuudiyaan isugu jira si loo kafaalo qaado gabadhan yar ee Baraa’ah.

Haddii xanuunka Baraa’ah la baaray waxaa la heley inuu yahay xanuunkii ay hooyadeed u geeriyootay (Kansar).

Xaafidda yar Baraa’ah, markii ay ogaatay xanuunka haya inuu yahay kii ay u geeriyootay hooyadeed, ayay tiri ”Alxamdulillaah”. Waa gabadh yar oo caqli badan, sabar badan, oo imtixaanka Ilaahay u sabraysa, kuna sabraysa.

Baraa’ah waxay mar walba ayadoo dhoola caddeyneysa, oran jirtay intii xanuunkan lagu sheegey kadib, oraahdan:

( الحمد لله هشوف بابا وماما )

”Alxamdulillaah waxaan arki doonaa mar dhaw aabbe iyo hooyo”.

Baraa’ah waxaa kafaalo qaaday nin Sacuudiyaan oo ahlu kheyr ah, magaciisana in la sheeg sheego diiday. Wuxuuna u kaxeeyay dalka Britin si uu halkaasi ugu dabiibo xanuunka haya.

Ayadoo dhaqtarka joogta ayaa waxay lasoo xiriirtay mid kamid ah qanawaadka Quraan xifdiska, oo ay ka codsatay inay u aqrisa aayado Quraan ah. Mar kale ayay lasoo xiriirtay oo ay sidoo kale u aqrisay, sida video-gan ka muuqato. Baraa’ah wuxuu Ilaahay siiyey cod cajiib ah, Quraanka ayayna wehel u tahay oo ay ku aqrisaa codkaasi uu Ilaahay siiyey.

Mar waxay u qaadday nasheed cajiib ah hooyadeed, taasoo ay lawada ilmeeyeen dadkii daawanayay. Baraa’ah waa durriyad saalixa oo Ilaahay kaga reebay dunida labadeedii waalid.

Sidoo kale daawo video-ga labaad oo ah nashiiddii ay hooyadeed u qaadday Baraa’ah, iyadoo u duceyneysa, lana hadlaysa oo u sheegeysa inay u xiistay.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________________

Afeef Qormadani waxay u gaar tahay, webka caasimada.net, iyo qoraha lama daabacan karo idan la’aan.